Deeq A. Posted August 20, 2019 Jowhar (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal saaka aroortii hore ka dhacay deegaanka deegaanka Keli Waraabow oo afar KM u jira magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ay Al-Shababa weerar xoogan ku qaadeen saldhig ciidamada dowladda ay ku leeyihiin gudaha deegaankaasi. Ilo deegaanka ah ayaa sheegay inay maqlayeen dhawaqa hubka culus iyo midka fudud oo ay is weydaarsanayeen labada dhinac. Dhanka kale war ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarkaasi ay ku dileen illaa 6 ka tursanaa ciidamada maamulka HirShabelle. Sidoo kale Al-Shabaab ayaa shaacisay in ay la wareegtay saldhig ku yaalla halkaasi, sida ay hadalka u dhigtay. Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan weerarkaasi iyo dagaalka xigay intaba. Xaaladda ayaa hadda ah mid kacsan, waxaana dhaq dhaqaaqyo ciidan laga dareemayaa duleedka magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe. View the full article Share this post Link to post Share on other sites