Sign in to follow this  
Deeq A.

Xiisad xoogan oo saaka ka taagan magaalada Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Jowhar) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in saaka xiisad u dhexeysa ciidamada Kenya iyo kuwa Itoobiya ee qeybta ka ah AMISOM ay ka taagan tahay magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Xiisada oo ah mid xoogan ayaa timid, kadib markii shalay diyaarad siday Askar Itoobiyaan ah ay ka biyo diideen ciidamada Kenya in ay ka degto garoonka magaaladaasi.

Dhaq dhaqaaq xoogan oo u dhexeeya ciidamadaasi aya saaka laga dareeyamayaa gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in ay ka cabsi in dagaal culus uu ka qarxo gudaha magaaladaasi.

Dhinaca kale wafdi uu hoggaaminayo taliyaha guud ee ciidamada AMIOSM Tigabu Yilma ayaa saacadaha soo scoda ku wajahan halkaasi.

Ujeedla socdaalka taliyaha AMISOM ayaa lagu sheegay inuu la xariiro, sidii loo xalin lahaa xiisadaasi.

Arrintan ayaa ku soo aadeyso, iyadoo Khamiista soo socota la filayo in ay dhacdo doorashada madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this