Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyaha guud ee AMISOM oo ku wajahan magaalada Kismaayo.

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliyaha guud ee ciidammada Amisom , Tigabu Yilma ayaa lafilayaa inuu maanta oo Talaado ah gaaro magaalada Kismaayo oo xarun kumeel gaar ah u ah dowlad goboleedka Jubbaland.

Safarkaan oo ku soo beegmaya xilli xasaasi ah ayaa lafilayaa inuu salka ku hayo arrimaha doorashada Jubbaland iyo khilaafka soo kala dhexgalay Jubbaland iyo ciidamada Itoobiya.

Maalinimadii shalay ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo laga celiyey diyaarad ay leeyihiin ciidmaada AMISOM gaar ahaan Itoobiya xilli ay DFS doonayso inay ciidanka Itoobiya u adeegsato Jubbaland.

Xog hoose ayaa sheegaysa inuu shalay fashilmay isku day ay ciidamada Itoobiya ku qaban lahaayeen madaxweynaha Jubbaland kadib markii ay hor joogsadeen ciidamada Kenya iyo kuwa Jubbaland.

PUNTLANDPOST

The post Taliyaha guud ee AMISOM oo ku wajahan magaalada Kismaayo. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this