Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo la wareegtay saldhiggii laga ilaalinayey Jowhar

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar culus oo saaka Al-Shabaab ay ku qaaday deegaanka Keli Waraabow oo dhaca duleedka magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe.

War ka soo baxay ayaa waxaa lagu sheegay in dagaalyahannadooda ay la wareegeen saldhig ciidamada HirShabelle ay ku lahaayeen deegaankaasi.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa sheegatay in weerarkaasi ku dishay lix ka tirsan ciidamada maamulkaasi, sida ay hadalka u dhigtay.

Dhanka kale qaar ka mid ah dadak deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay maqlayeen daryanka hub culus oo ay is weydaarsanayeen 2 dhinac.

Keli Waraabow ayaa Jowhar u jira afar KM oo kaliya, waxaana saldhigga la weeraray laga ilaalin jiray aminga magaaladaasi.

Xaaladda ayaa hadda kacsan, iyadoona dhaq dhaqaaqyo xoogan laga dareemayo halkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this