Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka amniga oo shaaciyey arrin halis ku ah mashruucii ay ku dhawaaqday Qatar

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirka amniga xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa shaaciyey in Al-Shabaab laga yaabo in ay  weerar ku qaado Dekedda magaalada Hobyo ee gobolka Mudug.

Wasiir Ducaale oo warbaahinta kula hadlayey Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al-Shabaab aysan ogoleyn horumarka iyo qorshaha lala damacsanyahay Dekeddaasi.

Wuxuu tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay haatan la dhameysay Qatar dhismaha Dekadda Hobyo, balse  waxa uu carabka ku dhuftay in dagaalyahannada Al-Shabaab ay weerari karaan, haddii la dhiso, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wasiirka amniga xukuumadda Soomaaliya ayaa xusay in weli Al-Shabaab ay ku xoogan yihiin maamulka Galmudug, islamarkaana ay ka heystaan illaa afar degmo.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay shacabka deegaanada maamulkaasi in ay taageeraan dowadda, si looga guuleysto Al-Shabaab.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo shalay dowladda Qatar ay ku dhawaaqday mashruuc weyn oo lagu dhisayo Dekedda magaalada Hobyo ee gobolka Mudug.

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusamareeb
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this