Deeq A. Posted August 19, 2019 Muqdisho (SMN) – Waxaa maalintii labaad galay shirka wadatashiga Wasiirrada warfaafinta federaalka iyo dowlad-goboleedyada ee shalay ka furmay Muqdisho. Kulanka maanta waxaa lagu casuumay madaxda warbaahinta madaxa bannaan iyo bulshada rayidka ah si looga wadatashado habkii si wadajir ah looga qeyb qaadan lahaa wacyigelinta bulshada. Ka qeyb galeyaasha shirka ayaa wasiirrada ka dhageystay warbixinno ku saabsan wacyigelinta qaranka iyo qorshayaasha dowladda, iyagoo la wadaagay talooyin iyo tusaalooyin ay u soo jeediyeen dowladda gaar ahaan wasaaradaha warfaafinta heer federaal iyo dowlad-goboleed. View the full article Share this post Link to post Share on other sites