Sign in to follow this  
Deeq A.

Khayre oo ku qaabilay Wasiirka A/Dibadda Qatar

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Wasiirka arrimaha dibadda ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Qatar, Sheikh Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani iyo wafdi uu hoggaaminayo oo qayb ay ka ahaayeen Wasiirka wasaaradda gaadiidka, isgaarsiinta iyo dekada dawladda Qatar, Jassim Bin Saif Ahmed Al Sulaiti ayaa maanta booqasho ku yimid magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo xubna ka tirsan golaha wasiirrada ayaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cabdulle Cusmaan kusoo dhaweeyay wafdiga ka socda Qatar ee booqashada ku yimid magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre iyo wasiirka arrimaha dibadda Qatar ayaa xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ku yeeshay kulan ay uga wada hadleen adkeynta xariirka soo jireenka ah ee labada dowladood iyo dardar gelinta mashaariicda ay Qatar ka fuliso Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this