Sign in to follow this  
Deeq A.

Kadib Sh/Hoose, DF oo ku dhowaaqday gobollo kale oo laga saarayo Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Wasiirka amniga gudaha Soomaaliya Maxamed Abuukar Islaaw oo uu wehliyo wasiirka arrimaha gudaha, dib-u-heshiisiinta iyo federaalka, ayaa duleedka magaalada Dhuusamareeb kulan kula qaatay Taliska qaybta 21-aad, guddiga amniga caasimadda Galmudug iyo taliyaasha laamaha amniga oo dhan.

Wasiirka amniga ayaa saraakiisha ciidanka kula dardaarmay ka shaqeeynta qarannimada iyo midnimada si loo xoreeyo deegaannada Galmudug ee Al-Shabaab ay haystaan, loona hubiyo fulinta mashaariicda horumarineed ee ay qaybta ka tahay dhismaha dekadda Hobyo.

Taliyaha guutada 15-aad ee qaybta 21-aad, Gen. Mascuud Maxamed Warsame oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in isku-dhafkii ciidanka ay sare u qaaday qorshaha sugidda amniga, midnimada, wada-shaqeynta ciidanka ka dhexeysana ay “argagaxisaduna ku abuurtay cabsi iyo welwel joogta ah.”

Gen. Mascuud Maxamed Warsame ayaa bulshada deegaannada Galmudug guud ahaan ka codsaday in ay kala shaqeeyaan adkeynta amniga, iyo xoreynta deegaannada ay weli haystaan Al-Shabaab.

Maxamed Abuukar Islaaw oo caddeeyay in hoggaanka dowladda federaalka Soomaaliya ay ciidanka ku garab taaganyihiin shaqada ballaaran ee ay qaranka u hayaan, ayaa dhamaan reer Galmudug ka codsaday in ay muujiyaan isku duubni iyo wada-shaqeyn horseedda gaaridda horumarka la tiigsanayo.

Dagaalka cusub ee dowladda ay kaga dhowaaqday deegaanada Galmudug ayaa imanaya ayadoo weli uu socdo dagaalka gobolka Shabeellaha Hoose looga xoreynayo Al-Shabaab, halkaasi oo ciidamada dowladda ay ka qabsadeen deegaano dhowr ah.

amniga_Hobyo__3_.jpeg amniga_Hobyo__7_.jpeg amniga_Hobyo__8_.jpeg amniga_Hobyo__2_.jpeg amniga_Hobyo__1_.jpeg amniga_Hobyo__5_.jpeg amniga_Hobyo__4_.jpeg Baadiyow.jpeg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this