Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Qaladaad halis leh oo ka jira howlgalka milatariga Soomaaliya ee Sh/Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada milateriga Soomaaliya ayaa bilaabay dhaq dhaqaaqyo ka dhan ah Al-Shabaab kuwaas oo ka socda gobolada koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Dhaq dhaqaaqyada milater ee ka dhanka ah Al-Shabaab xoogooda waxa uu ka bilaawday degmooyinka gobolka Shabeelada Hoose, waxaase jira qaladaad xoog leh oo qatar gelin kara ciidamada qaranka.

Khubarada amniga ayaa sheegay in milateriga Soomaaliya ay qabsadeen dhul ay Al-Shabaab ku sugnaayeen oo ka tirsan Shabeellada Hoose balse gudahooda ay joogaan Àl-Shabaab.

Milateriga waxay hadda joogaan Awdheegle, waxayna ka gudbeen Sabiid iyo caanoole iyo degaanka Bariire, balse duleedka Afgooye waxaa jooga Al-Shabaab waxayna ciidamada ku qasban yihiin in ay diyaarad ku tagaan ugana soo laabtaan.

Sidoo kale, degaanada duleedka Muqdisho sida Ceelasha, Arbacow iyo goobo kale waxaa ku xoogan Al-Shabaab oo waliba ku qaada lacago canshuur ah oo Muqdisho laga keeno.

Al-Shabaab waxay awoodaan in ay dhabar jebiyaan ciidanka gudahooda la daganyahay, haddii aysan dowladda Soomaaliya si deg deg ah u xalin, ayuu sarkaal hore oo katirsan milateriga Soomaaliya.

Inkastoo milateriga Soomaaliya joogaan Awdheegle haddane ma jiro gaari ka bixi kara Muqdisho oo gaari kara Afgooye.

Sidoo kale ma jiro gaari toos uga bixi kara Afgooye oo gaari kara Awdheegle, sababtoo ah waxaa dhacda in Al-Shabaab ay weeraro qaraxyo dagaal toos ah ka fuliyaan.

“Ciidan waa kuwa xoreeya hal kiilo mitir kadibna xasilin u sameeya, kuna wareejiya booliis laakiin hadda gudihii waxaa ku jira Al-Shabaab dibadiina ciidanka qaranka waana halis” ayuu yiri sarkaalka aan la hadalnay ee ka tirsanaa milateriga Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this