Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo oo war kasoo saaray mashruuca dekedda Hobyo iyo ballan-qaadka Qatar

Recommended Posts

Deeq A.   

Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bogaadiyay booqashada uu maanta ku yimid dalka Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Qadar Maxamed Bin Cabdulraxmaan Al Thani iyo wafdiga uu hoggaaminayay.

Wafdiga sare ee ka socda Qadar waxaa qaabilay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, iyada oo ay Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka, Igaarsiinta iyo Dekadaha ee Dowladda Qadar si wadajir ah ugu dhawaaqeen daahfurka mashruuca dekedda Hobyo.

“Waxaan uga mahadcelinayaa Dowladda Qadar kaalinta ay ka geysanayso dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha dalka oo ay kamid tahay Dekedda Hobyo taas oo ahmiyad dhaqaale oo istiraatiiji ah u leh Soomaaliya iyo guud ahaan ganacsiga gobolka.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale ugu baaqay dalalka kale ee aan saaxiibka nahay in ay iyaguna Soomaaliya gacan ku siiyaan dib u dhiska dalka iyo kaabeyaasha dhaqaalaha si uu dalku u gaaro isku filnaasho iyo horumar dhinac walba ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this