Sign in to follow this  
Deeq A.

Xulbada (Fenugreek) dawo ka qaalisan 1000,000.. Qaybtii Labaadaza

Recommended Posts

Deeq A.   

Q2aad Xulbada (Fenugreek) dawo ka qaalisan 1000,000 $

Qalinkii Cabdi Caawiye

12-Xulbadda waxay kor u qadaa Amateedka cuntada

Waxa la ogaaday in ay xulbadu tahay xalwada ugu fiican ee caloodh ka shaqaysiisa xaga dheefshiidka waxaana ay badisaa nafsada loo helaayo cunto qaadashada macnaha amateedka.

13-Xulbadda waxay hoos u dhigtaa subag xun.

Xulbada macadanaha ku jiraa waxa ay hoos u dhigaan xanuunka beer subaga ama cholesterol

14-xulbadda waa xanuun baabiye.

Xulbadu waa xanuun dile ana xanuun baa’biye marka aad Cunto waxaad dareemi in meelihii ku xanuunayey ay raysteen sida inaad cuntay Kiniinkii garaaca oo kale.

15- Neerfa xanuunka.

Waxa ay aad iyo aad ugu fiicantahay madax xanuunka ay keenaan neerfuhu.

16-ka hor tage kancerka.

Sida khubarada waaweyn ee caafimaadku iclaamiyeen xulbadu waa Ka hortaga xamuumka Kancerka.

17- Dilida jeermiska

Xulbadu waa anti-biotic waxay dishaa Jeermisyada cuduradu keenaan oo ay nadifisaa Xubinta bukta.

Halka malqaacad ama qaado cee xulbada ah waxay ka kooban tahay

– 900 Milligram oo dufan ah
– 395 Milligram oo calcium ah
– 4400 Milligram borotiin 51 Milligram oo foosforas ah

6000 Milligram carbohydrate
– 1.93 Milligram oo bir ah
– Energyga ama awood u dhigma 49 Kilocalories

Sidee loo sameeyee sidee ayaa looga saaraa qadhaadhka iyo urta.

La soco …..

Qalinkii Cabdi Caawiye

Shaywaal12@gmail.com

+252634115877

On Sat, 17 Aug 2019, 17:32 cabdi cawiye, <shaywaal12@gmail.com> wrote:
Qisadii heestii Yabaal ee Xasan Ganey

Qalinkii Cabdi Cawiye

Nolosha aduunka Kan aynu ku uumanahay waxa jira marwalba dad aad falkooda iyo foolaadkoodaba aad la yaabayso.
Waxaad arkaysaa laba qof oo lamaane ah oo is jecel lkn haddana uu mid ka mid ahi ku kacaayo wax la yaab iyo amakaag ku rida qalbigiisa waana mid inbadan aynu aragno.
Waxaad arkeysaa ruux rag ah oo marka uu reerkiisa la joogo giir iska kicinaaya oo ooridiisa xalaasha u ah aan erey kalgacayleh aan odhanayn ilaa hadalada Soomaalidu ku caanka tahay Monyaane.
Taas oo kale abwaanku isagoo ka waramaaya sida ay heestu ku baxday wuxuu yidhi
” waxa jira dhacdooyin yaab leh oo bulshada ka dhex dhaca, hasayeeshee dadka dhugta ama dhaadaa ay aad u tiro yar yihiin. Sidaa awgeed, waxaad arkeysaa mararka qasrkood, ruux dumara oo dhigeeda ninka ah aad u jecel ku indho kuulata , oo og inuu isaguna jecel yahay aad iyo aad. Hayeeshee , ficiladiisa ayaa noqda wax ay qaadan kari weydo oo ka yaabiya”.
Sida inuu dumar kale iskala kaftamo isagoo aan waxba uga jeedin.
Inuu iska khushuucsanaado iyadoo faraxsan Iwm.
Arrimahaasi waa qaar aad u dhex yaala bulshadeena Somalida
Wuxuuna yidhi sidan

Adigaan ku yaadshaa,
Ku yaboohiyaa weli,
Yuuskana adaa i baray,
Yablas-ciille igu riday,
Adiguna yaqiintii,
Qalbigeenii wada yiil,
Yeelahaad u goysee,

Xageebuu yabaal,
Kaaga yeedhayoo,
U yahoonsan tahay,
Iga yaabsatee?

Adigaan ku yeeshoo,
Kuna yeelan waayoo,
Adiguna yahuuntii,
Yacaygeedii dumisaye,
Anna waxaan yaxoobaa,
Weli yuururaa meel,
Shimbiruhu ka yaaceen,

Halkeebuu yabaal,
Kaaga yeedhayoo
U yahuunsantahay
Iga yaabsataye?

Qalinkii Cabdi Cawiye
+252634115877
Shaywaal12@gmail.com

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this