Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka Somaliland oo Hargaysa ku xiray fanaaniin ka qaybgashay xuska aasaaskii Puntland.

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada ammaanka maamulka Somaliland ayaa xabsi kuyaal magaalada Hargaysa ku xiray mid kamid ah fanaaniintii ka qaybgalay xuskii sanad guurada 21aad ee aasaaskii dowladda Puntland.

Alfanaan Cabdirisaaq Ismaaciil Anshax oo muddooyinkii ugu dambeeyey ku sugnaa deegaamada Puntland kana qaybgalay xuskii dhismaha Puntland ayaa gaarey magaalada Hargaysa kahor inta aysan xirin ciidamada Somaliland.

Abwaan Maxamed Dhagaafe Cilmi oo ay saaxiibo dhow yihiin Anshax ayaa xaqiijiyey xarigiisa, isagoona u aaneeyey inay xarigiisa ka dambeeyeen rag reer Somaliland ah ayna fan wadaag yihiin.

Magaalada Hargaysa ayaa waxaa gaarey qaar kamid ah fanaaniintii ka qaybgalay xuska 1da Agoos oo reer Hargaysa ah haseyeeshee Anshax oo ka soo jeeda dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya muddana kunoolaa Hargaysa ayaa xabsiga loo taxaabay.

The post Ciidanka Somaliland oo Hargaysa ku xiray fanaaniin ka qaybgashay xuska aasaaskii Puntland. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this