Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyey dagaalka Bariire iyo warar ka soo baxay DF iyo Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Bariire (Caasimada Online) – Dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo Amisom oo dhinac ah iyo Al-Shabaab ayaa xalay saqdii dhexe ka dhacay deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Dowladda federaalka iyo Al-Shabaab ayaa labaduba guulo ka sheegtay dagaalka.

Taliyaha Ciidamada Lugta Generaal Odawaa Yuusuf Raage ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in jab xooggan la gaarsiiyay maleeshiyada Al-Shabaab markii ay isku dayeen xalay iney weerar ku soo qaadaan saldhig ciidanka Xoogga dalka ku leeyihiin duleedka deegaanka Bariire, halkaasina looga dilay 20-ka tirsan maleeshiyadooda halka tiro intaasi ka badana looga dhaawacay.

Generaal Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga dalka ay ka feejignaayeen weerarka Shabaabka, islamarkaana markii ay soo qaadeen ay ku halaagsameen.

Dhinaca kale, kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay in ciidamo aad u hubeysan ay dhowr jiho ka weerareen laba saldhig oo ay ku suganyihiin ciidamada Uganda iyo kuwa dowladda federaalka.

Warbaahinta Al-Shabaab ayaa sheegatay in intii uu dagaalku socday ay maleeshiyada Al-Shabaab la wareegeen dhowr difaac oo ay lahaayeen ciidamada dowladda federaalka ee deegaanka Bariire.

Ciidamada qalabka sida ayaa maalmihii ugu dambeeyay ka waday gobolka Shabeellaha hoose howlgallo looga xoreynayo maleeshiyada Al-Shabaab, waxaanay dhowaan qabsadeen dhowr deegaan oo muhiim ah oo ay ku jirto degmada Awdheegle.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this