Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaanada labada aqal ee taageersan Axmed Madoobe oo eedeeyey XF iyo beesha caalamka

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa taageersan madaxweyne Axmed Madoobe ayaa warsaxaafadeed ka soo saaray arrimaha doorashooyinka maamulka Jubbaland.

Ugu horreyn xildhibaanadan ayaa ku eedeeyey xukuumadda Soomaaliya in ay iska indha tireyso dastuurka, islamarkaana ay faragelin ku heyso arrimaha doorashooyinka maamulkaasi.

War saxaafadeedkan oo loo diray madaxweynaha Soomaaliya, guddoomiyeyaasha labada aqal ee baarlamaanka iyo ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay inay waajib tahay in cid kasta ay ixtiraamto dastuurka u yaalla dalka.

Sidoo kale xildhibaanada ayaa dhaliilay dadaalada beesha caalamka, waxaana ay ku eedeeyeen in hal dhinac oo kaliya ay culeyska saarayaan.

Ugu dambeyn waxa ay sheegeen in dalalka deriska ah ay sidoo kale faragelin ku hayaan doorashada Jubbaland, taas oo meel ka dhac ku ah Qaranimada iyo madax banaanida Soomaaliya.

Halkan hoose ka aqriso:-

11-8.jpg 2-5.jpgCaasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this