Sign in to follow this  
Deeq A.

Kiiskii Caa’isha Ilyaas oo mar kale dib loo dhigay

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxkamadda Sare ee dowladda Puntland ayaa ku dhawaaqday in markale ay dib u dhigtay xukunka ragga loo haysto in ay ka dambeeyeen dilkii loo geystay Caasho Ilyaas Aaden oo ahayd gabar yar oo lagu dilay magaalada Gaalkacyo.

Maxkamadda ayaa maanta mar kale dhegaysatay dacwadaha ay kala qabaan labada dhinac gaar ahaana Qareenada difaacaya kuwa horey dambiga loogu helay qaarkoodna qirtay iyo Xeer Ilaalinta dowladda Puntland.

Ugu dambayntii waxay maxkamaddu saaka shaacisay in ay mar kale 22-ka bishan dhegaysan doonto Gar-maqalka Kiiska islamarkaana ay go’aan ka gaaari doonto.

PUNTLAND POST

The post Kiiskii Caa’isha Ilyaas oo mar kale dib loo dhigay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this