Deeq A. Posted August 19, 2019 Hargeysa (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dil ay xalay ciidamada Somaliland ugu geysteen qof rayid ahaa magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Cumar Faarax (Soomadow), kaas oo ka mid ahaa dadka deegaanka. Ciidamada ayaa la sheegay in xilliga ay dilka geysanayeen ay wadeen howlgal ay ku uruurinayeen hubka sharci darrada ah. Lama oga illaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee ay u dileen ninkaasi. Wararka qaar ayaa sheegaya in marxuumka ciidamadu ay ka dalbadeen in uu istaago xilliga uu howlgalku socday, balse uu cararay sidaasina lagu toogtay. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka saraakiisha ciidamada Somaliland oo ku aadan dilkaasi. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites