Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Wasiirka amniga oo shaaciyey in xubno ka tirsan Al-Shabaab gacanta lagu dhigay

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimada Online) –  Wasiirka amniga Soomaaliya, Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) oo shalay gaaray Dhuusamareeb ayaa kulan gaar ah la qaatay saraakiisha amniga ee magaaladaasi.

Ducaale ayaa marka hore warbixin ka dhageystay saraakiisha ciidamada, kuwaas oo uga warbixiyey howlaha nabad galyada iyo howlgallo ay ka sameyeen duleedka magaalada Dhuusamareeb.

Wasiirka amniga oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamadu baaritaano ay ka sameeyeen deegaanka Camaara ay ku soo qabteen saddex xubnood oo ka tirsan Xooggaga Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in haatan raggaasi ay ku jiraan gacanta hay’adaha amniga, islamarkaana ay ku socdaan baaritaano.

Dhanka kale wuxuu ku boggaadiyey ciidamada ammmanka howlaha amni xaqiijinta ee ay ka wadaan deegaanada maamulka Galmudug.

Ugu dambeyn wxuu kula dardaarmay inay xoojiyaan amniga degmada Dhuusamareeb, maadaama uu dhowaan ka dhacayo shirweynaha dib u heshiisiinta beelaha dega deegaanada maamulka Galmudug.

1-2.jpg 2-4.jpg 3-3.jpg 4-3.jpg 5-2.jpg Ducaale.jpg

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusamareeb
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this