Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso: Ajendaha Shirka Istaraatiijiyadda Wacyigelinta Qaranka Ee Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda warfaafinta dowladda federaalka ah ayaa casuumaad u dirtay kuwa dowladaha xubnaha ka ah, ujeedka ayaa lagu sheegay shir wasiirrada warfaafinta ee dowladda federaalka ah iyo xubnaha ka ah ay uga tashan-doonaan arrimaha warfaafinta.

Shirkan oo maanta furmaya ayaa ilo xog-ogaal ah waxaa ay Goobjoog News u sheegeen in lagu ansixin doono Istaraatiijiyadda wacyigelinta qaranka oo horay loo qoray, qeybna ka ahaayeen hey’ado badan.

Ujenadayaasha kale oo looga hadlayo waxaa ka mid ah:

1. In laga midoobo istaraatiijiyadda guud ee dib u xureynta

2. In dowladda federaalka ah lagala shaqeeyo arrimaha loogu yeero la-dagaalanka argigixisada

3. In siyaasad laga dejiyo copyright

4. Horumarka warbaabhinta qaranka

5. In la sameeyo barnaamijyo mideysan

6. In laga tashto anshaxa saxaafadda

Waxaa shirka ka qeyb galaya wasaaradaha warfaafinta ee dowladda federaalka ah iyo kuwa xubnaha ka ah, waxaa kale oo lagu casuumay warbaahinta ku hadasha afka xukuumadda federaalka ah.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this