Deeq A. Posted August 18, 2019 Xulalka 15 Jirada Soomaaliya iyo Burundi ayaa ku balansan garoonka Asmara ee wadanka Eretrie,iyagoo wada dheelaya kulamadoodii 2-aad ee tartanka xulalka da’yarta bariga iyo bartamaha Afrika 2019 oo sanadkan ku qabsoomaya magaalada Asmara. Xulka 15 Jirada dalkeena ayaa kulankii 1-aad la dheelay dhigooda Kenya waxayna ciyaartaas aheyd furitaanka tartanka xulalka 15-Jirada ee markii ugu horeesay ay qabtaan xiriirka kubbadda cagta Bariga iyo Bartamaha qaarada Afrika,balse xidigaha dhallinyarada dalkeena ay guul daro 3-1 kasoo gaartay dhigooda Kenya. Da’yarta 15 Jirada Burundi kulankii 1-aad iyagana waxa ay 2-1 kaga adkaadeen dhiigooda Eretrie oo sanadkan ah martigeliyaasha ciyaaraha da’yarada bariga iyo bartamaha Africa ee (Cecafa Under 15 2019). “Diyaar ayaan u nahay in aan la ciyaarno dhigeena Burundi waxaa qaadanay tababaro kala gedisan,si aan xoogo u saarno in aan kulanka helno natiijo saraysa guul iyo guuldaraba shacabka Soomaaliyeed waxaana ka codsanaynaan in nala taageero” sidaas waxaa Goobjoog Sports ugu waramay Anas Axmed Maxamuud oo ah kabtan xulka da’yarta Soomaaliya. 17-April 2018 Xulalka Soomaliya & Burundi oo magaalada Bujanbuura ee dalka Burundi kuwada dheelay tartanka 17Jirada bariga iyo bartamaha Afrika 2018 waxa ay labada dhinaca ku heshiyeen natiijo barbaro ah. Kulamada Kale Ee Kusoo Wajahan Xulka Somalia vs sudan (Khamiis) -22-08-2019 Somali vs Eritrea (Sabti) -24-08-2019 Ogeysiiska Kulanka Tartanka-Cecaf Under 15 2019 Dalalka-Somalia VS Burundi Tariikhda-18-08- 2019 Maalinta-Axad Sacaada Kulanka-4:30pm Garoonka-Asmara Satdium Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites