Deeq A. Posted August 18, 2019 Jowhar (Caasimada Online) – War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in xalay dagaalyahhanno ka tirsanaa kuwooda ay sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku dileen gudaha magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabelle. Al-Shabaab ayaa sheegtay in sarkaalka ay dishay uu ahaa hal xidigle ka tirsanaa ciidamada ka howlgala magaaladaasi. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in xoogagii dilay ay horay uga sii qaateen qori AK47 ah oo uu watay, sida ay hadalka u dhigtay. Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka maamulka HirShabelle oo ku aadan dilkaasi. Ammaanka Jowhar ayaa muddooyinkii dambe ahaa mid degan, iyadoona ciidanka amnigu ay howlgallo ka wadeen gudaha magaaladaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites