Sign in to follow this  
Deeq A.

Baadiyow oo ku gacan seeray dalabkii beelaha Habargidir

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga qaban qaabada shirka dib u heshiisiinta Galmudug Cabdiraxmaan Cabdullaahi (Baadiyow) oo la hadlay warbaahinta ayaa ku gacan seeray baaqii odayaasha dhaqanka dhaqanka beelaha Habargidir ee ku aadanaa in dib loo dhigo shirkaasi.

Baadiyow ayaa sheegay in fursad hore ay siiyeen beelaha Habargidir, islamarkaana ay qabsadeen illaa 15-ka bishan, waqtigiina uu dhammaanday.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in shirka uu yahay mid ay ka qeyb galayaan ururada bulshada rayidka ah, islamarkaana uusan markale. dib u dhici karin, sida uu hadalka u dhigay.

Shirkan oo labo jeer dib u dhacay ayaa waxaa markii ugu dambeysay la filayey inuu furmo Sabtidiid la soo dhaafay, balse ma dhicin.

Weli waxaa jira tabasho ka imaaneyso beelah qaar oo ka biyo diidan qabsoomida shirkaasi.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/08/cod-2-gudiga-1.mp3

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusamareeb
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this