Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Ciidamada DF oo xiray taliyihii NISA ee degmada Baardheere iyo sababta

Recommended Posts

Deeq A.   

Baardheere (Caasimada Online) – Milateriga Soomaaliya ee ku sugan degmada Baardheere ee gobalka Gedo ayaa la sheegay in ay xireen taliyihii ciidamada Nabad Sugidda Soomaaliya ee degmada Baardheere kadib markii lagu eedeeyay in uu sii daayay xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Baardheere ayaa Caasimada Online u sheegay in milateriga Soomaaliya ay ka caroodeen in la sii daayay 4 nin oo Al-Shabaab ah, oo ay milateriga soo qabteen kuwaas oo kadib ku wareejiyay taliska NISA ee degmadaasi.

Milateriga ayaa ragaan qabtay kadib markii uu isu soo dhiibay mid kamid ah oo la sheegay in loo soo diray in uu dil ka geesto magaalada kadibna ay ku raadiyeen saddexda kale waxaana la sheegay in laba kamid ah ragaasi la sii daayay kadib dhowr bil oo ay xirnaayeen.

Taliyaha NISA ee Baardheere ayaa la sheegay in 2 kamid ah raga uu amray in la sii daayo halka labada kalane ay ku jiraan gacanta dowladda, waxayna arintaasi ay sababtay in milateriga Soomaaliya ee ku sugan Baardheere oo leh awood ciidan ay xiraan taliyaha oo fududeynta arintaasi ku eedeysan.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in sarkaal la xiray ay qaraabo noqdeen labada Shabaabka ah ee la sii daayay inkastoo aysan cadeyn u heynin Caasimada Online. Masuuliyiinta dowladda federaalka Soomaaliya ee degmadaasi ayaa noo sheegay in warkaan uu jiro balse aysan ka hadleynin ilaa amar dambe.

Ujeedada taliyaha NISA ee Baardheere loogu wareejiyay Shabaab ayaa aheyd in uu magaalada Muqdisho geeyo ragga Shabaabka ah balse ma dhicin. Milateriga ayaa la wareegay labada kale ee hadda ku jira gacanta ciidamada amniga ee degmadaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this