Sign in to follow this  
Deeq A.

Xogta dagaalka Dhuusamareeb iyo labada nin ee isku haya + Ciidamo weli isku hor fadhiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho-(Caasimada Online) – Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug waxaa caawa ka taagan xaalad dagaal, kaddib markii dagaal muddo socday uu ku dhex maray ciidamo ka kala tirsan Booliiska iyo Nabad Sugidda Galmudug.

Ciidamada ayaa dagaal xoog leh waxa uu ku dhex maray gudaha xarunta lagu qabanayo shirka dib u heshiisiinta Galmudug ee Shiirkole, waxayna isku heystaan cidda sugeysa ammaanka goobta lagu qabanayo shirka.

Ciidamada caawa dagaalamay ayaa waxaa kala hoggaaminaya Taliyaha Booliska ka howlgala Dhuusamareeb oo lagu magacaabo Cabdiwahaab Sheikh Yuusuf, kaas oo ay walaalo yihiin Wasiirka amniga Galmudug Saadaq Sheikh Yuusuf iyo Nin lagu magacaabo Cabdi Dheere oo Taliye u ah ciidanka Nabad Sugidda ee dhawaan ay dowladdu gaysay Dhuusamareeb si ay ula wareegaan amniga magaalada.

Caasimada Online ayaa ogaatay in xarunta lagu dagaalay oo lagu magacaabo Shiirkole oo aad ugu dhaw Madaxtooyada uu ku shaqeeyo madaxa xukuumadda Galmudug Sheikh Shaakir ay horay ugu sugnaayeen ciidamo Nabad Sugidd ah oo Ra’iisul Wasaare Kheyre uu ku wareejiyay inay sugaan ammaanka xarunta lagu qabanayo shirka, kuwaas oo kolkii hore uu fadhigoodu ahaay magaalada Cadaado.

Ciidamada Booliska Dhuusamareeb ayaa waxaa la sheegay inay iyagu weerarka qaadeen, waxayna wali dhinacyadii dagaalamay ay isku hor fadhiyaan dhismaha loo diyaariyay in lagu qabto shirka dib u heshiisiinta beelaha Galmudug.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in ciidamadii dagaalamay ay wali is hor fadhiyaan, haatana ay socoto waan waan lagu kala qaadayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this