Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulka Puntland oo war kasoo saaray doorashadii ka dhacday KISMAAYO

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) -War-saxaafadeed kasoo baxay maamulka Puntland ayaa loogu hambaliyeyay taageerana loogu muujiyay doorashadii maanta ka dhacday magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Warqadd kasoo baxday Madaxtooyada Puntland ayaa hanbaliyo loogu diray Guddoonka iyo labadiisa ku xigeen ee maanta lagu doortay magaalada Kismaayo, kuwaas oo hoggaami doona Baarlamaanka cusub ee Jubbaland, kaas oo noqonaya Baarlamaankii labaad ee uu yeesho maamulka Jubbaland.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Puntland ay aad u soo dhaweyneyso natiijada doorashadii maanta, waxaana amaan loogu jeediyay guddiga xuduudaha iyo doorashooyinka ee maamulka Jubbaland, sidoo kale Puntland ayaa balan qaaday inay si dhaw ula shaqey doonto Baarlamaanka cusub ee maamulkaas.

Taageerada ay Puntland u muujisay Baarlamaanka iyo guddoonadiisa cusub ayaa ku soo aadeysa, iyadoo War-saxaafadeed galabta kasoo baxay Xukuumadda Federaalka gabi ahaanba lagu qaadacay sida ay wax uga socdaan magaalada Kismaayo.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda arimaha gudaha federaalka iyo dib u heshiisiinta xukuumadda Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in dowladda federaalku ay shir weyne dib u heshiisiin ah ku qabaneyso magaalada Kismaayo, taas oo wax kama jiraa ka dhigeysa hanaanka lagu soo xulay Xildhibaanada cusub ee Jubbaland, kuwaas oo maanta doortay guddoomiye iyo labadiisa ku xigeen.

Halkaan ka akhriso War-saxaafadeedka Puntland:

2-62.jpg 1-63-324x160.jpg

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this