Sign in to follow this  
Deeq A.

Dikreeto: Madaxweyne Deni oo Magacaabay Guddiga Ku-meelgaarka Ah ee Doorashooyinka Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 58, Ogoosto, 17, 2019 ku magacaabay Guddiga ku-meelgaar ka ah ee 
Doorshooyinka Dowladda Puntland

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Qodobka 80-aad iyo lifaaqa kowaad firqadiisa 
koowaad ee Dastuurka Dowladda Puntland

Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waaya 
aragnimadooda.

Markuu arky: Qoraalka Sumaddiisu tahay 
XGGW/DPL/85/2019 kuna taariikhaysan Ogoosto 14, 2019, kuna saabsan soo gudbinta xubnaha afarta ah ee golaha Wakiilladu soo sharaxeen.

Markuu garawsaday: baahida looqabo in la magacaabo Guddiga Doorashooyinka Dowladda Puntland, si loo dar-dargeliyo geeddi socodka nidaamka dimuquraadiyaynta Puntland.

Wuxuu Xeeriyey.

Wuxuu Magaacay xubnaha Guddiga Doorashooyinka Dowladda Puntland oo ah sagaalka xubnood ee hoos ku qoran.

1. Cabdinuur Shuukh Maxamed Isxaaq 
2. Sahra Jaamac Saalax 
3. Cali Jaamac Faarax 
4. Cabdullaahi faarax Mire 
5. Cabdullaahi Cabdi Ducaalle 
6. Guulleed Saalax Bare
7. Jaamac Xirsi Faarax
8. Xafso Salaad Maxamed 
9. Cadirisaaq Axmed Siciid

Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu Saxiixo, Wuuna Saxiixay Madaxweynuhu.

PUNTLAND POST

The post Dikreeto: Madaxweyne Deni oo Magacaabay Guddiga Ku-meelgaarka Ah ee Doorashooyinka Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this