Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday in aysan aqoonsan doonin natiija kasta oo soo baxda doorashada Jubaland

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda arrimaha gudaha Federaalka iyo dib u-heshiisiinta xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in aysan aqoonsan doonin natiija kasta oo ka soo baxda doorashada madaxtinimada Jubaland.

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in liiska odayaasha dhaqanka ee soo xulay xildhibaannada cusub ee Jubaland aysan waafaqsaneyn diiwaanka rasmiga ah ee wasaaradda Wasaaradda arrimaha gudaha Federaalka iyo dib u-heshiisiinta xukuumadda Soomaaliya.

Sidoo kale war-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in dariiq aan sharci ahayn loo maray soo xulista xildhibaannada cusub ee Baarlamanka Jubaland islamarkaana aysan wasaaraddu aqoonsan doonin natiija kasta oo ka soo baxda doorashada madaxtinimada Jubaland.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka

11-21.jpg?w=1000&ssl=1 22-4.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday in aysan aqoonsan doonin natiija kasta oo soo baxda doorashada Jubaland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this