Sign in to follow this  
Deeq A.

DAAWO: “In Golaha La Xidho Iyo In Mooshinka La Hor Istaago Xukuumadda Ka Dambeysa…” Guddoome Cabdiqaadir Jirde Oo Si Adag U Eedeeyay Madaxweyne Muuse Biixi

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha ku meel gaadhka ah ee Waddani Md Cabdiqaadir Jirde ayaa si cadho leh u eedeeyay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo xukuumaddiisa oo uu sheegay in ay hor istaagtay mooshin lagu doonayay in Komishanka Doorashada laga dhigo 9 xubnood kaas oo goluhu saaka diiday islamarkaana golaha la galiyay fasax dheer.

Mudane Jirde oo saxaafadda kula hadlay baarlamaanka ayaa yidhi “Maanta mid baa muuqata aniga oo ka xun hadalkaa in aan idhaahdo waxa muuqata in ay golihii wakiillada xukuumaddu la wareegtay, waanu dareensanayn in ay farriintaasi ku socoto oo guddoomiyaha lagu saarayay culays golaha naga xidh warkaa waanu hayna.”

Waxa uu intaasi raaciyay in saxeexii madaxweynuhu ku yaallo heshiiska xukuumaddu ka daba timid “Waanu ogayn in guddoomiyaha golaha wakiillada culays la saarayo oo la leeyahay naga xidh golaha, hadda waxa laga xidhayaana waa wax saddexda xisbi ku soo heshiiyeen oo saxeexii madaxweynuhu ku yaallo ayay haddana madaxweynaha iyo xukuumaddiisii inta ay ka daba yimaaddeen leeyihiin xidh oo arrintaa ha dhigin.”

Waxa uu intaasi raaciyay “maanta umadda waxaanu u sheegayna Golihii Wakiilladu ma madax bannaana, shir guddoonkii waa laga maroorsaday xukumaddaana maroorsatay in golaha la xidho iyo in mooshinka la hor istaago xukuumadda ka dambeysa Garyaqaanka iyo guddoomiyaha toona ku eedayn mayno ee waa loo soo yeedhiyay warkana waanu hayna in la lahaa golaha xidh laakiin, waxay dhasho ayaynu leenahay,”

Halkan hoose ka DAAWO

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this