Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddi Xaqiiqo Raadin Ah OO Warbixin Horudhac Ah Kasoo Saarey Dilal Ka Dhacay  Baydhabo

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga xaqiiqo raadinta ee loo magacaabay dhacdadii 9-kii bishan ka dhacday magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee koonfur galbeed ayaa soo saaray warbixin horudhac ah.

Qoraal kooban oo ay heshay Goobjoog News waxaa ku qornaa in natiijada horudhaca ah ay noqotay:

1. In la soo qabtay askar lagu tuhmayo dilalka dhacay, halka qaar kale lagu raad-joogo.

2. Waxaa lagu baaqay in dilalkaasi ama qofkii dil geysta aan loo saarin karin ama loo nisbeyn karin qabiil.

Guddiga xaqiiqo raadinta ayaa sii wado baaritaanka, waxaana lagu wadaa in sidoo kale ay soo saaraan qoraal dhameystiran, oo baaritaanka la xiriira.

Guddigan oo ka kooban ilaa 9 xubnood ayaa isugu jira xubnaha golayaasha dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed, laamaha ammaanka, maamulada gobolka iyo kan degmada Baydhabo.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee koonfur galbeed Cabdi Casiis Laftagareen ayaa todobaadkii hore hadal uu jeediyay waxaa uu ku sheegay in aan loo baahnayn in xiligan colaado sokeeye dib loogu laabto, taasi oo uu ku tilmaamay mid dhibaato ku ah horumarka bulshada.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this