Deeq A. Posted August 17, 2019 Kismaayo (Caasimada Online) – Waxaa markale dib loogu doortay inuu noqdo guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Jubbaland Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan, kadib doorasho ka dhacday magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Guddoomiyaha cusub ayaa waxaa xilkan kula tartamay musharraxa kale ee Xuseen Shiinow Cali oo uu ugu dambeyn ka guuleystay. Sheekh Cabdi oo hoggaaminayey baarlamaankii koowaad ayaa helay 55 Cod, halka musharrax Shiinow uu helay 18 Cod. Guddoomiyaha la doortay oo ay xulafo dhow yihiin Axmed Madoobe ayaa inta aan la dhaarin ka hor u mahadceliyey xildhibaanadii doortay iyo kuwa aan dooran intaba. Dhinaca kale, guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Jubbaland waxaa isku soo sharaxay hal qof oo ah Xildhibaan Aadan Khaliif, waxaana loogu codeeyay gacan taag 72 cod ayuu hela. Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Jubbaland waxaa loo doortay Cabdi Baaleey Xuseen wuxuuna helay 73 cod, waa loo tanaasulay, oo cidna lama tartamin Doorashada waxaa goobjoog ka ahaa xildhibaanno ka socday labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah, waxaana nabad-gelyada qeyb ka sugayey AMISOM. Doorashada madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland waxaa ay dhici doontaa khamiista soo socota, Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites