Sign in to follow this  
Deeq A.

Su’aalo culus oo ka dhashay afartii qof ee shalay lagu dilay magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Soomaaliya, Yuusuf Garaad Cumar ayaa su’aalo ka keenay dilka afar qof oo mid ka mid ah ay tahay haweeney oo ciidamada dowladda ay shalay ka geysteen Muqdisho. Hoos ka aqriso qoraal uu Yuusuf Garaad soo dhigay facebook.

Dilka shalay ka dhacay Bakaaraha waxaa ka khaldanaa ugu yaraan saddex waxyaabood oo culculus oo qaarkood ay u baahan yihiin baaritaan booliisku dhexdiisa baaro oo uu hubiyo in fal dembiyeed uu dhacay iyo in kale. Midna uu noqon karo xog la dayacay.

Qof aan Maxakamadi xukumin waxaa la dili karaa marka uu fal naf goyn kara faraha kula jiro, si kale oo looga badbaadaana aanay jirin. Waa marka uu isagu xabbad ridayo ama uu rid is leeyahay ee lagala hor maro. Intaas oo ruux oo qof dumar ahi ku jirto ma ku dhinteen si sharciga waafaqsan?

Tan labaad, waa xadgudub waana foolxumo in meyd dariiqa la soo dhigo, haddana la sawiro oo baraha bulshada lagu faafiyo.

Dariiqa iyo baraha bulshada waxaa labadaba jooga carruur iyo dad waaweyn oo aan xammili karin ama aan dooneyn muuqaalka dad la dilay oo waddada la dhigay.

Ma aha dhaqan Dowladeed.

Tan saddexaad, ma aheyn in magaciisa la sheego Agaasimaha lagu tilmaamay in si isaga loo difaaco darteed loo dilay intaas oo qof.

Ma ahan dhaqan hey’ado amni oo Dowladeed, sababta oo ah isaga ayay halis hor gelin kartaa sheegidda magaciisu.

Waan garan karaa in ciidanka amniga ay saaran yihiin laba culeys: Shabaab oo Dowladda, ciidanka iyo shacabkaba weerar ku ah. Iyo shacabka oo dhaliil la daba taagan ciidanka.

Taasi qiil uma siineyso in caro ay u qabaan Shabaab ay ka baxaan xadka sharciga.

Muwaaddinka Soomaaliyeed sharaftiisa iyo karamaadiisa waa in la dhowraa nolol iyo geeriba.

Yuusuf Garaad Cumar

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this