Sign in to follow this  
Deeq A.

Nin Dil Ka Geystay Puntland Oo Laga Soo Qabtay Dalka Yemen

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Boosaaso)-Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa xalay laga dejiyay Nin laga soo qabtay dalka Yemen ku eedeeysan inuu Magaalada Qardho hore ugu dilay Nin la sheegay inuu Ganacasade ahaa.

Qardho-750x430.jpg

Safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiga dalka Yemen Cabdullaahi Xaashi Shuuriye ayaa Ninkaas ka dejiyay Magaalda Boosaso,isagoo u gacan geliyay Madax ka tirsan Maamulka Puntland.

Ninka laga soo qabtay dalka Yemen ayaa waxaa lagu magacaabaa Maxamed Cabdullahi, kaasi 20-ka Bishii july ee Sanadkan Qardho ku dilay Allaha u naxariistee Dirir Cabdi Gufuri oo ahaa Ganacsade Caan ah.

Madaxda maamulka Puntland ayaa Safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiga dalka Yemen Cabdullaahi Xaashi Shuuriye uga mahadceliyay sid gacanta loogu soo dhigay Ninka dilay Dirir Cabdi Gufuri.

Sidoo kale Maxamed Cabdullahi ayaa waxaa isla xalay lagu xidhay Saldhig ay leeyihiin Ciidamada maamulka Puntland eek u yaalla Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this