Deeq A. Posted August 17, 2019 (SLT-Muqdisho)-Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya Qaraxyo Goor dhawayd ka dhacay Degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir, kuwaasi oo ahaa Miinooyinka nooca dhulka lagu aaso ah. Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in Jugta qaraxyda siweyn looga maqlay Xaafado ka tirsan degmdaas iyo goobo kale. Sidoo kale waxaa lagu warramayaa inuu qaraxyada ay ka dhasheen Khasaaro kala duwan, waxaana ku dhaawacmay saddex qof, isla markaana waxaa loola cararay mid kamid ah Cisbitaalada ku yaalla Magaalada Muqdisho. Qaraxa ugu horreeyay ayaa waxaa uu ku dhacay waddada tagta xarunta Maamulka degmada Deyniile, waxaana halkaas gaadhay Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Degmadaas oo haatan halkaas ka wada baadhitaano. Source Share this post Link to post Share on other sites