Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga doorashooyinka Jubaland oo kordhiyay wakhtiga is diiwaan-gelinta musharrixiinta

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga Madaxa bannaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka dowlad goboleedka Jubbaland ayaa mudda saddex maalmood ah ku kordhiyay wakhtiga is diiwaan gelinta Musharrixiinta u tartamaya doorashada madaxtinimada Jubaland si ay fursad u siiyaan musharrixiinta aan horay isu diiwaan gelin.

Wakhtiga lagu daray is diiwaan-gelinta musharrixiinta ayaa ka bilaabmaya Sabtida maanta ah oo ku beegan 17-Agoosto 2019b waxaana uu ku egyahay maalinta Isniinta ee 19-Agoosto halka doorashada madaxweynaha oo markii hore 19-Agoosto ahayd haatan laga dhigay 22-Agoosto sidaasina waxaa lagu sheegay qoraal kasoo baxay Guddiga oo loo diray Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James.

Dhinaca kale guddiga ayaan waxba ka beddelin shuruudihii ay hore u soo saareen ee lagu xiray musharixiinta u tartamaya doorashada madaxtinimada Jubaland, sida ka tanaasulida xubnaha xilalka haya, mudada degenaanshaha oo laga rabo in Musharaxa uu labo sano ka badan waddanka joogo iyo in uusan Xaas Ajnabi ah qabin.

PUNTLAND POST

The post Guddiga doorashooyinka Jubaland oo kordhiyay wakhtiga is diiwaan-gelinta musharrixiinta appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this