Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-shabaab oo weerar culus ka geystay degaanka Daynuunaay

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya gobolka Baay ee ku yaalla Koonfurta Galbeed ee Soomaaliya ayaa sheegaya in saaka uu dagaal culus ka dhacay degaanka Daynuunaay oo qiyaastii 30KM u jira magaalada Baydhabo.

Dagaalka ayaa sida la sheegayo u dhexeeya ciidamada militariga Soomaaliya oo saldhigyo ku lahaa halkaasi iyo malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo weerar ku qaaday waxaana ka soo baxaya warar is khilaafsan.

Wararku waxay sheegayaan in dagaalka halkaasi ka dhacay oo mudda socday ay Al-shabaab kula wareegtay degaanka Daynuunaay balse markii dambe laga saaray inkastoo aan faahfaahin laga hayn khasaaraha kala gaaray labada dhinac.

Degaanka Daynuunaay ee lagu dagaallamay waa degaan muhiim u ah sugidda Amniga magaalada Baydhabo waxaana dhowr jeer oo hore weerarro ka gaystay Al-shabaab.

PUNTLAND POST

The post Al-shabaab oo weerar culus ka geystay degaanka Daynuunaay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this