Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka AMISOM oo la wareegey goobta lagu dooranayo guddoonka barlamaanka Jubbaland.

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada nabad ilaalinta midowga Africa ee AMISOM unugtooda Booliska ayaa isku gadaamey xarunta ay ka qabsoomayso doorashada guddoonka barlamaanka ee barlamaanka maamulka Jubbaland.

Ciidanka AMISOM oo horay loogu wareejiyey doorashada xarumaha doorashooyinka Jubbaland ee magaalada Kismaayo ayaa waxaa lagu arkayaa gudaha xarunta barlamaanka iyo agagaarkeeda si ay u xaqiijiyaan ammaanka goobta.

Waftuud kala duwan iyo xildhibaanada barlamaanka 2aad ee Jubbaland ayaa ku sugan goobta ay ka dhacayso doorashada guddoonka barlamaanka maamulka Jubbaland oo muddooyinkaan laga dareemayey xiisad siyaasadeed.

SAWIRRO

2-58-630x420.jpg?resize=630%2C420&ssl=1 1-62.jpg?w=1000&ssl=1 1-61-696x464.jpg?resize=696%2C464&ssl=1

PUNTLANDPOST

The post Ciidanka AMISOM oo la wareegey goobta lagu dooranayo guddoonka barlamaanka Jubbaland. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this