Deeq A. Posted August 17, 2019 Baydhabo (Caasimada Online) – Dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab oo saaka aroortii hore weerar ku qaaday Deynuunaay ayaa la wareegay saldhigga ciidamada dowladda ee deegaankaasi oo dhaca duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Wararka ayaa sheegaya in dagaal xoogan uu ka dhacay halkaasi, kadibna ciidamada dowladda ay isaga baxeen guud ahaan saldhiggaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada Milatariga Soomaaliya ay markale weerar rogaal celis ah ku qaadeen deegaankaasi. Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaal culus uu labada dhinac ku dhexmaray halkaasi. Ma cadda weli khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi iyo dagaalka xigay intaba. Xaaladda ayaa kacsan, waxaana lagu soo warramayaa in ciidamo ka tirsan kuwa dowladda iyo Koonfur Galbeed oo gurmad ah ay gaareen Deynuunaay. Caasimada Online Xafiiska Byadhabo caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites