Sign in to follow this  
Deeq A.

Xogta gabadhii Muqdisho lagu dilay maanta iyo waxa ay ka ahayd Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa maanta suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ku toogtay afar qof ,oo mid kamid ah ay aheyd haweeney, kuwaas oo dhamaantood ka tirsan Al-Shabaab.

Faah-faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya xubnaha Shabaabka ah ee la toogtay, sida ay ku waramayaan hey’adaha amaanka iyo ganacsatada Bakaaraha, oo la hadlay Caasimada Online.

Caasimada Online ayaa heshay xog ku saabsan qofka dumarka ah ee ku jirta dadka maanta la toogtay, taas oo shegaysa in ay aheyd sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab.

Dhowr qof oo ka mid ah ganacsatada suuqa Baakaraha ayaa noo sheegay in qofka dumarka ah ee la toogtay ay caan ka aheyd gudaha suuqa.

Haweeneydaan ayaa wareejin jirtay dharka, boorsooyinka la gashado mobile-ka iyo airphone-ka mobile-ka lagu dhageesto.

Sidoo kale waxay wareejin jirtay boorsooyinka la gashado kaararka aqoonsiga (ID CARDS), iyo tusbaxa electronic-ga ah ee farta la gashado iyo agabyo kale.

Magac sax ah oo lagu yaqaano malahan, balse waxay dadka qaar ugu yeeri jirayn Faadumo Deeqo, halka qaar kale ay magaceeda ugu sheegtay Deeqa.

Sidoo kale, saraakiil ka tirsan booliiska Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in qofka dumarka ah ay aheyd taliyihii hogaaminayay 3-da wiil ee la dilay, ayna ku amartay in ay dagalaamaan oo aysan is-dhiibin.

Waxay booliisku sheegeyn in ay u qaybisay laba bastoolad oo bakaarof iyo mid biljim ah, waxayna isku dayeen in ay is-difaacaan.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Al-Shabaab u qaabilsan fulinta dilalka qorsheysan ee suuqa Bakaaraha iyadoo madax u aheyd koox arimahaas qaabilsan.

Xaqiiqda ah inay iska dhigi jirtay qof ganacsada, ayaa muujineysa in ganacsigeedu ahaa been, balse ay ku gaban jirtay si ay howlaheeda kale u fuliso.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com  

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this