Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Laga Reebay Martida Boqorka Sacuudiga.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, ayaa laga reebay casuumaddii gaarka ahayd ee boqorka Sacuudigu u sameeyay madaxdii sannadka yimi Xajka.

boqor.jpg

Casuumaddan ayuu boqorku ku qaabilaa sannadkasta marka uu Xajku dhammaado madaxda caalamka ee Xajka yimi.

Madaxda ka socotay Jabuuti iyo Soomaaliya ayaa sannadka ka qayb-galay casuumadda boqorka halka madaxweyne Biixi, aanu xaadirin.

Sannadkii hore madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo xajka tegay ayaa kulankan lagu casuumay oo la kulmay boqor Sacuudiga.

Wariye Xasan Galaydh

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this