Deeq A. Posted August 16, 2019 Maamulka Magaalo madaxda wadanka Ethiopia ee addis ababa ayaa wada qorshe magaaladaasi lagaga qabqabanayo dadka ka dawarsada jidadka caasimadda. Waxa gabogabo ku dhaw hinde sharciyeed la damacsan yahay in lagu xakameeyo qulqulka dadkan ka dawarsada jidadka magaaladda Addis ababa kaas oo la hor geyn doono waaxda sharci dejinta wadankaasi. Xoghayaha Warfaafinta Ee xafiiska Duqa Magaaladda Addis ababa oo lagu magacaabo Feven Teshome, ayaa warbaahinta u xaqiijisay warkaasi. “Waxa aanu qiyaasnay dad gaadhaya 50,000 oo ah kuwa dawarsadaa in ay ku nool yihiiin jidadka magaaladda Addis ababa, Hindise sharciyeedkan aanu diyaarinayna waxa uu xakamayn doonaa dadkaasi, waana dhibaato bulsho isla markaana sawir xun ka bixinaysa bilicda magaaladda Addis ababa” sidaas ayay tidhi Source Share this post Link to post Share on other sites