Deeq A. Posted August 16, 2019 Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay heystaan culeysyo iyo caqabado caalami ah oo ay u baahan tahay in taageero loo muujiyo. Maareeye ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed iyo madaxda qaarkood aysan ku baraarugsaneyn caqabadaha ay dowladda federaalka la kulmeyso ee caalamiga ah, islamarkaana ay ugu darayaan kuwa gudaha ah. “Waxaad moodaa in shacabka Soomaaliyeed iyo siyaasiyiinta aysan ku baraarugsaneyn caqabadaha dowladda dhexe ay la kulmeyso, balse halkii laga caawin lahaa dad badani oo ka mid ahi waxgaradka iyo mas’uul kasta culeyska ayey kusii badinayaan, si ay dowladda u jabot, oo dadaallada ay wado ay ugu fashilanto” ayuu yiri Wasiir Maareey. Wasiirka ma uusan sheegin waxa ay yihiin caqabadaha iyo culeysyada caalamiga ah ee ay wajahayso dowladda. Waxa uu sheegay in siyaasiyiinta, waxgaradka iyo shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay midoobaan, isla markaana ay garab istaagaan dowladda Soomaaliya, si dadka hortaagan dowladnimada Soomaaliya ee uu caalamka ku jiro looga guuleysto. Hoos ka dhageyso codka Maareeye https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/08/cod-1Wasiirka-Warfaafinta-Soomaaliya-.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites