Sign in to follow this  
Deeq A.

Millatariga Pakistan Oo Guulo Ka Sheegtay Dagaal Ay La Galeen Ciidanka Hindiya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Pakistan)-Millatariga Pakistan ayaa sheegay in saddex askari oo ka tirsan ciidankooda iyo shan askari oo ka tirsan millatariga Hindiya ay ku dhinteen iska hor imaad ka dhacay xadka Kashmiir.

156589934887d5f.jpg

Afhayeenka millatariga pakistan Janaraal Asif Ghafoor ayaa barta uu ku leeyahay Twitter-ka ku soo qoray in qabarkaan, waxaana uu sheegay in ciidanka Hindiya ay weerar ku soo Qaadeen.

Mr Asif ayaa dhanka kale tilmaamay in saddex qof oo rayid ah ay ku dhinteen dagaalka dhexmaray Millatariga Hindiya iyo Pakistaan.

Dhanka kale wasaarada arrimaha dibada Hindiya ayaa beenisay in askari lagaga dilay Dagaalka.

Dhanka kale xiisadda ayaa kacsan wali iyadoo xalay la dareemayo heegan sare oo labada dhinac ay ku Jiraan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this