Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliiska Muqdisho oo toogasho ku dilay xubno la sheegay in ay isku dayayeen in ay dilaan mas’uul dowladeed

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliye xigeenka Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Sakiya Xuseen ayaa sheegtay in ciidanka Booliiska degmada Hawlwadaag ee gobolka Banaadir ay toogasho ku dileen 4 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab.

Gen. Sakiya ayaa sheegtay in sidoo kale ciidanku ka hor tageen isku day dil oo xubnaha la toogtay ku doonayeen in ay dilaan mas’uul ka tirsan wasaaradda waxbarashada Soomaaliya oo ay magaciisa ku sheegtay Cabdi Gare.

Balse waxay tilmaantay in ciidanku ay ka hortageen falkaasi oo ay ku lug lahaayeen 4 qof oo mid ay haweeney ahayd islamarkaana dhammaantood Booliisku ay goobta ku toogteen.

PUNTLAND POST

The post Booliiska Muqdisho oo toogasho ku dilay xubno la sheegay in ay isku dayayeen in ay dilaan mas’uul dowladeed appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this