Sign in to follow this  
Deeq A.

Rag Doonayay Dilka Agaasime Wasaaradeed Oo Muqdisho lagu Toogtay

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa ay sheegeen in Maanta Magalada Muqdisho lagu toogtay Saddex Rag ah iyo Haweeneey doonayay inay degmada Howl-Wadaag ku dilaan Agaasimaha  Howlaha Wasaaradda Waxbarashada Mudane Cabdi Gare.

Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Zakiya Xuseen ayaa sheegtay in Ciidamada Ammaanka ay degmada Howl-Wadaag ku toogteen saddex Rag ah iyo Haweeney hubka u siday, kadib is rasaaseyn dhexmartay, iyaga iyo Ciidamada,kuwaas doonayay inay dilaan Agaasimaha

“Ciidanka boliiska degmada Howlwadaag ayaa ku guuleystay in ay ka hortagaan isku day dil lala beegsan rabay Agaasimaha Howlaha Wasaaradda Waxbarashada Mudane Abdi Gare. Israsaaseynta ka dib waxeey ciidamada toogteen dhagarqabayaasha oo ahaa 3 wiilal iyo hal haweeney oo hubka u siday ayay tiri Taliye Zakiya.”

Taliye kuxigeenka Ciidanka weli si rasmi ah uma sii faah faahin falkaan,hayeeshee ay sheegtay inay Ciidamada Booliska degmada Howl-Wadaag ka hortageen falkaasi la doonayay in lagu dilo Agaasimaha Howlaha Wasaaradda Waxbarashada Mudane Cabdi Gare.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this