Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddigga Dib-u-heshiisiinta Galmudug Oo Kormeeray Xarunta Shirka Iyo Deegaanka loo qorsheeyay Ergada.

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug, Dr. Cabdiraxamaan Cabdullaahi Baadiyow iyo Xubnaha kale ee  guddigga ayaa kormeeray xarunta loogu tala galay in uu ka dhaco shir-weynaha dib-u-heshiisiinta iyo goobaha ay degayaan ergada ka qayb geleysa shirkaasi.

Dr. Cabdiraxamaan Cabdullaahi Baadiyow ayaa sheegay in la soo gebagebeeyay diyaar garowga shirka ayna diyaar u yihiin dhammaan waxyaabaha aasaasiga ah ee ku xiran  shirka, isla narkaana dhinacya shirka ka qeyb geli lahaa ay liiska ergada u soo direen guddigga.

Guddoomiyaha guddiga ayaa caddeeyay in ay dhimman yihiin  oo kaliya in ergada la keeno magaalada Dhuusamareeb si 17-ka bishaan uu u furmo shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug.

IMG-20190815-WA0046-1.jpg

IMG-20190815-WA0046.jpg

IMG-20190815-WA0047.jpg

IMG-20190815-WA0054.jpg

IMG-20190815-WA0052.jpg

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this