Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay Ka Wada Hadleen Madaxweyne Madoobe iyo Wafdiga Beesha Caalamka?

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi kasocday Beesha Caalamka oo uu hogaaminayay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan waxaa kale oo wafdiga kamid ahaa xubno kasocday IGAD, Safiirka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Taliyaha guud ee Amisom iyo xubno kale.

Dhinaca Jubbaland waxaa Madaxweynaha ku wehelinayay kulankan Madaxweyne ku xigeenada iyo Wasiirada Arimaha gudaha iyo Amniga.

Kulankan waxaa lagaga wada hadlayay hanaanka ay u socoto doorashada Jubbaland iyo sidii ay u noqon laheyd doorasho xor iyo xalaal ah, lagana fogaado waxkasta oo keenaya fawdo iyo amni darro.

Ergayga qaramada midoobey ee Soomaaliya James Swan ayaa Dowlad Goboleedka Jubbaland ka codsadey in fursad la siiyo musharaxiinta mucaaradka si ay isu diiwaangeliyaan ugana qeybgalaan doorashada iyo in wax ka badal lagu sameeyo shuruuda lagu xirey musharaxiinta u tartameysa xilka madaxweynenimo ee Jubbaland.

Ugu danbayntii waxaa la isku raacay in gudiga Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland laga sugo jawaabta kama danbaysa ah ee la xiriirta hanaanka Doorashooyinka Jubbaland.
67941105_364935367761122_6557529606239289344_n.jpg?_nc_cat=103&_nc_oc=AQl2b2pAzTFhuSyEMhIqcyxun-DnWb_WyZBG1XL5xYaSjkEyWIiNfaYZZHS2skGPpHw&_nc_ht=scontent.fmgq1-1.fna&oh=ba97fcce687d9a2bc2a1e460293d3db0&oe=5E16483F
67978757_368879930694478_4644499568568827904_n.jpg?_nc_cat=106&_nc_oc=AQm0jlI90NCsEeN6tu4hTnEsPpSbn6wrXTBQcf84BOGJv4oQ2BqOe1-7odsR6RsaXsg&_nc_ht=scontent.fmgq1-1.fna&oh=53294c4cb85424777c22b29baae7715c&oe=5DCB3EE9
68921876_352991952243790_2830524786847776768_n.jpg?_nc_cat=111&_nc_oc=AQksAo9YQZlhwKrBrFPIaw5KETcUbYE02yRIKfkopcJUtrual_ZIkch7rvX3wOm28iA&_nc_ht=scontent.fmgq1-1.fna&oh=a05e0502696d080636683de636f8e5d0&oe=5DD9228C
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this