Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerar Lagu Dhaawacay 6 Askari Oo Ka Dhacay Waddanka Maraykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT- Philadelphia)-Magaalada Taariikhiga ah ee Philadelphia ee dalka Mareykanka, waxaa shaley galab ilaa xaley ka socdey toogasho iyo weerar dhex marey dabley hubaysan iyo ciidmada Booliiska.

6DC125D3-E440-4BF4-B469-BE34FBEBCC01_w10

Inta la xaqiijiyey 6 ka mid ah ciidamada booliiska ayaa la dhaawacay, waxaana dableydan ay wadeen muddo saacado ah weerarkan.

Booliiska ayaa si nabadgalyo ah dad shicib ah uga daad gureeyey goobaha dagaalku uu dhexmarayo dableyda.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in goobta la weeraray ay tahay meel mashquul badan, islamarkaana ay ku badan yihiin Arday.

Sanadkan 2019 ayaa waxaa la sheegay in dalka Mareykanka ay ka dhaceen ku dhowaad 5o weerar oo ay ku dhinteen dad u badan rayid aan waxba galabsan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this