Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Puntland oo safarkii saddexaad ugu baxaya dalka debaddiisa

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa la filayaa in uu todobaadka soo socda safarkii saddexaad ugu baxo waddanka debaddiisa sida ay ogaatay warbaahinta Puntland Post.

Socdaalka oo aan la sii shaacin ayaa sida la sheegayo madaxweynuhu ku tegi doonaa dalalka kenya iyo Imaraatiga inkastoo aysan weli caddayn arrimaha uu salka ku hayo safarka uu madaxweyne Deni ku tegayo dalalkaasi.

Sidoo kale madaxweynaha ayaan weli maagcaabin xubnaha guddiga doorashooyinka Puntland iyo agaasimayaasha Wasaaradaha oo laba jeer oo hore dib u dhacay.

Mudane Deni oo madaxweyne loo doortay 8-Jannaayo 2019 ayaa laba safar oo rasmiya ku tegay dalalka Imaaraatka Carabta iyo Shiinaha oo uu la soo saxiixday heshiisyo horumarineed

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Puntland oo safarkii saddexaad ugu baxaya dalka debaddiisa appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this