Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro:-Wararkii ugu dambeeyey toogasho ka dhacday Mareykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Washington (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeri ah ayaa ka soo baxaya toogasho iyo weerar toos ah oo dabley hubeysan shalay, illaa xalay ay ka fulisay magaalada Philadelphia ee dalka Mareykanka.

Weerarka oo socday muddo saacado ah ayaa waxaa xigay iska hor imaad dhexmaray dableydaasi iyo ciidamada Booliska dalkaasi.

Ugu yaraan illaa 6 askari ayaa ku dhaawacmay weerarkan, sida ay baahisay warbaahinta gudaha dalka Mareykanka.

Sidoo kale Booliska ayaa si nabadgalyo ah dad shacab ah uga soo badbaadiyey meesha uu weerarku ka dhacay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in goobta la weeraray ay tahay meel mashquul badan, islamarkaana ay ku badan yihiin Arday.

Sanadkan 2019 ayaa waxaa la sheegay in dalka Mareykanka ay ka dhaceen ku dhowaad 5o weerar oo ay ku dhinteen dad u badan rayid aan waxba galabsan.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:

1-52.jpg 5-32.jpg Mar.jpg Mareykanka.jpg

Caasimada Online
Xafiiska Washington
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this