Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerar lagu laayey xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ka dhacay gobolka Hiiraan

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledweyne  (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar xalay kooxda la magac baxday Macaawisley ay ku qaaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa deegaanka Luuq Jeelow gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Weerarka ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo dhexmaray labada dhinaca, kaas oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Maxamed Cali Istakiin oo ah sarkaal ka tirsan kooxda Macaawisley ayaa sheegay in dagaalkaasi looga dilay hal ruux, mid kalena looga dhaawacay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Al-Shabaab weerarkan iyo dagaalka xigay ay uga dileen illaa 7 xubnood, sida uu hadalka u dhigay.

Istakiin oo hadalkiisa sii wata ayaa sababta ay u qaadeen weerarkaasi ku sheegay in ay la xariirto cabasho ka timid dadka deegaanka.

Macaawisley ayaa ah koox la dagaalanta Al-Shabaab, waxaana ay ka howlgasha gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ee maamulka HirShabelle, iyadoona taageedo dhinaca hubka ah ka hesho dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Beledweyne
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this