Sign in to follow this  
Deeq A.

Seeraar oo shaaciyey magacyada Senataro farogelin ku haya doorashada Jubbaland

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Cabdinaasir Seeraar Maax oo ka mid ah musharraxiinta sanadkan ku loolamaya doorashada Jubbaland ayaa ka hadlay arrimaha maamulkaasi, gaar ahaan doorashada, kadib shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaallo xeebeedla Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Seeraar ayaa sheegay in Senataro ka tirsan aqalka sare ay doonayaan in dowladda federaalkaSoomaaliya ay kala dhex dagaalamaan Jubbaland, sida uu hadalka u dhigay.

Musharrax Cabdinaasir Seeraar ayaa sheegay in Senatoradaasi ay ka mid yihiin Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed (Faroole) iyo Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

Wuxuu tilmaamay in ay farogelin ku hayaan arrimaha doorasooyinka Jubbaland, islamarkaana ay gabeen shaqooyinkii loo igmaday.

Dhinaca kale Seeraar oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlay arrimaha ammaanka,isaga oo xusay in inta badan deegaanada Jubbaland ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay ciidamada amniga in ay xoojiyaan nabad gelyada magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/08/Musharax-Seeraar.mp3

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo 
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this